Kooxda Gurmadka Kala-Qaybsanaanta Qoysaska

Kooxda Gurmadka Kala-Qaybsanaanta Qoysaska waxay ka shaqaynayaan sidii ay u horumarin lahayd siyaasadaha iyo dhaqamada gobolka oo dhan si loo ilaaliyo caruurta waalidkood ama masuuliyadooda la xiro ama la masaafuriyo sababo la xiriira xaalada socdaalka. Gudiga Hawl-wadeenka ah waxaa lagu sameeyay Wareegto Fulineed 25-04 kaas oo u ansixiyay Governor Bob Ferguson Janaayo 27, 2025.  

Hadafka Gudiga hawl-wadeenka waa:

  • Ku taliyaan hagaajinta siyaasadaha iyo dhaqamada gobolka oo dhan
  • Samee oo la wadaag kheyraadka qoysaska halista ugu jira kala-taga
  • La shaqeeyaa ururada bulshada ku salaysan ee la aamini karo 

Kooxda Hawl-wadeenka ah lama wadaagto xogta xoojinta socdaalka dawlada dhexe. Sidoo kale si toos ah ugama jawaabto xaaladaha gaarka ah ee kala-taga qoyska. 

Hadii aad u baahan tahay inaad ka warbixiso dhaqdhaqaaqa socdaalka, fadlan wac Shabakada Ka Hortaga Masaafurinta Washington (Washington Immigrant Solidarity Network, WAISN) 1-844-724-3737 ama booqo www.waisn.org.

Kheyraad Waxtar Leh

Macluumaadkani ma badalayo talo sharci.

Khayraadka Qoysaska

QORSHAHA AMAANKA LAANTA SOCDAALKA

Qorshaha Lataliyaha Sharciga Dhalinyarta iyo Caruurta waxa uu ka caawiyaa qoysaska inay u diyaar garoobaan daryeelka ilmahooda (caruurtooda) hadii ay dhacdo in waalidku aanu awoodin inuu daryeelo iyaga, gaar ahaan hadii waalidka la xidho ama la mastaafuriyo.
Qorshaha Amaanka Laanta Socddaalka

KHAYRAADKA IYO TAAGEEROOYINKA

Hay'adaha soo socda ayaa ula diyaar ah kaalmo qoysaska uu saameeyay xadhiga iyo/ama mastaafuriska laanta socdaalka.

KHAYRAADKA QORSHAYNTA HANTIDA IYO GANACSIGA

Qorshayntan waxay kugu hagaysaa macluumaadka korsadaha oo waxaa kamid ah maamulida xisaabaadka bangiga, kaadhka daynta, kharashaadka, awooda qareen, hantida, kirooyinka, mushaharka aan la bixin, cashuuraadka, iyo wax kale oo badan.
Wax Badan Ka Oggow

TILMAAMAHA OSPI EE QOYSASKA SOO GELEYTIGA AH

Office of the Superintendent of Public Instruction (Xafiiska Maamulka Tilmaamaha Shacabka, OSPI) waxa uu sameeyay shuruucda dhamaan dugsiyada shacabka ee Washington. Waxaad qori kastaa caruurtaada dugsi shacab, waxa ay doonto ha noqoto xaaladooda deganaanshaha dalku e. Hoos waxaa ku yaala tilmaamaha OSPI ee qoysaska iyo dugsiyada ee sheegaya xuquuqda qoyskaaga ee waxbarashada. 
Xuquuqda Ardayda Soo Geleytiga ah ee Dhigashada Dugsiga Shacabka

BARO XUQUUQDAADA

Fahan xuquuqdaada marka ay ku joojiyaan saraakiisha laanta socdaalka federalka iyo sida aad u taageereyso dadka kale marka aad kusoo beeganto hawlgalka ciidanka laanta socdaalka. 

TAAGEEROOYINKA SHARCI

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan adeegyada sharciga, waxaa kamid ah sida aad ruux loo siiyo gacan ku haynta sharciga ah ee ilmaha(caruurta), fadlan dalbo latalin sharci. Si aad u hesho looyar haysta liisan ama xirfadlaha federalku u ogol yahay ee khabiirka ku ah sharciga laanta socdaalka, la xidhiidh hay'adaha hoose.

SHARCIGA WADISTA SHAQADA WASHINGTON

Sida uu dhigayo Sharciga Sii Shaqaynta Washington, adeegyada shacabka Gobolka Washington, sida guryaynta iyo waxbarashada, waxaa heli kara dhamaan dadka degan iyada oo aan loo eegeynin xaaladooda deganaanshaha.
Guudmarka Sii Shaqaynta Washington ee WAISN

AKHRI AQOONSIGA WA

Ruux kasta oo ku socdaalaya waa inuu iminka isticmaalaa waraaqo aqoonsi sax ah oo DHAB ah. Dadka aan haysan deganaanshaha rasmiga ah waxay u badan tahay inay leeyihiin Enhanced Identification Card (Kaadhka Aqoonsiga La Kordhiyay, EID).
Ikhtiyaarada aqoonsiga Washington

Kheyraadka Iskaashatada/Daryeel Bixiyeyaasha

Su'aalaha Badanaa La Iswaydiiyo

Waxaa lagula talinayaa waalidiinta inay aqoonsadaan daryeel bixiyaha cunugooda(caruurtooda) haddii la xiro ama la tarxiilo. Qareenka Sharciga ee Dhallinyarada iyo Carruurta (Legal Counsel for Youth and Children, LCYC) wuxuu haystaa agabyo dhowr ah oo la heli karo, oo ay ku jiraan Qorshaha Badqabka Soogalootiga (oo lagu heli karo af Ingiriis, Isbaanish, iyo Carabi). Sidoo kale waalidiinta waxaa laga yaabaa inay doonayaan inay dib u eegaan agabyada kale ee sharciga la xariira ama inay kala hadlaan qareen gaar ah waxa dhaci doona haddii ay dhacdo in la tarxiilo. Qareenka Sharciga ee Dhallinyarada iyo Carruurta (LCYC) wuxuu ku siinayaa dhowr agab oo ku jira Qorshihiisa Badqabka Soogalootiga waxayna siisaa tababaro lagu caawinaayo waalidiinta inay qorsheeyaan daryeelka carruurtooda haddii ay dhacdo in la xiro ama la tarxiilo.

Waxaa laga yaabaa inaad daryeesho ilmo uu waalidku kaga tagay daryeelkaaga adoon noqon waalid haysta rukhsada koriinka. Si aad arrintaan ugu diyaargarowdo, waxaad dib u eegis ku samayn kartaa Qorshaha Badqabka Soogalootiga iyo Tababarada, Magacaabista Foomka Qaadida Masuuliyada Joogtada iyo Kuwa ilmaha Yaryar, iyo agabyada kale ee ku saabsan Xuquuqdaada bogga Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawlada (Office of the Attorney General, OAG) ama webseedka LCYC. Waxaan sidoo kale ku talinaynaa ilahaan soo socda:

Xafiiska Kormeeraha Guud ee Waxbarashada Dadweynaha (Office of the Superintendent of Public Instruction, OSPI) ayaa soo saaray tilmaamo la xiriirta ilaalinta la siinayo ardayda soogalootiga ah ee gobolka Washington ku nool. Inta aan sii wadno Hawsha Kooxda, waxaan sii wadeynaa la shaqeynta degmooyinka iyo taageerada waxbarashada ay helaan dhammaan dhallinyarada iyadoon loo eegin heerka socdaalka.

Marka Waaxda Socdaalka iyo Hawlgelinta Kastamada ee Mareykanka (Immigration and Customs Enforcement, ICE) ay xirto waalidka, waxay marka hore ka hubiyaan qoyska si ay u oggaadaan inuu jiro qof qaraabo ah ama saaxiib ah oo daryeeli kara ilmaha. ICE keliya waxay la xiriiraa DCYF haddii:

  • Waalidiintu aysan heli karin qof ammaan ah oo daryeela ilmaha.
  • Ay jiraan walaacyo ku saabsan qofka loo dooranaayo inuu daryeelo ilmaha.

Xaaladahaan marka ay dhacaan, ICE waxay ogaysiin doontaa laanta fulinta sharciga deegaanka, ilmahana waxaa la gelin doonaa meel Masuuliyadiisa lagu qaado kadibna waxaa loo wareejin doonaa DCYF. Haddii ilmo uusan la joogin waalidkiisa marka la tarxiilay oo uu ku jiro daryeelka bulshada ama goob xanaano ah, waxaanu ku tiirsanahay iskaashada bulshada si aan u ogeysiino laanta sharci fulinta ama DCYF.

Waa hadafka DCYF in carruurta la joogaan qoysaskooda. Maadaama DCYF ay ka shaqayneyso sidii ay gacan uga geysan lahayd dib ula mideynta ilmaha waalidkiisa, DCYF waxay ka shaqayn doontaa sidii ay u heli lahayd xubnaha qoyska/dadka qaraabada ah. Haddii hal mid xataa la heli waayo, ilmuhu waxaa la gelin doonaa xanaanada ilmaha lagu koriyo inta uu shaqaalaha kiisku isku dayayo inuu dib ula mideeyo qoyska.

DCYF hadda ma qabato kiisaska carruurta aan cidna la socon.

Haddii ilmo ay soo qabtaan waaxda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee Mareykanka (U.S. Customs and Border Protection), waxaa loo gudbiyaa Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (U.S. Department of Homeland Security). Markaas kadib:

  • Ilmaha waxaa la geeyaa Xafiiska Dib u-dejinta Qaxootiga (Office of Refugee Resettlement, ORR).
  • ORR waxay raadisaa qof kafaala qaada si uu u daryeelo ilmaha.
  • Ilmaha waxaa lagu xiraa adeegyada iyo nidaamka maxkamada socdaalka.

Haa. Marka ay DCYF hesho awooda meelaynta iyo daryeelka ilmaha, DCYF waxay ka shaqaysaa sidii ay ula midayn lahayd ilmaha waalid ammaan u ah – xataa haddii ay dalka dibadiisa ku nool yihiin.

Ayadoo la joogteenaayo Xeerka Sharci Dhowrista Washington (Keep Washington Working) (Xeerka Dib loo eegay ee Washington (Revised Code of Washington, RCW) 43.17.425), DCYF ma siiso macluumaadka ICE iyada oo aan la helin amar maxkamadeed ama amar garsoore, ama shaacin macluumaad oo saxiixan.